Waa maxay Caafimaad-ku


Waxa lagu tiriyaa cafimaadka ruux aan kahayn wax jirro ah taas oo uu qofku ka caafimaad qabo xag nafsiyadeed, mid caqliyadeed iyo waliba mid bulsho ahaaneedba, sida kamuuqata qormada ah " Caqliga caafimaadka qaba waxa uu leeyahay jir caafimaad qaba".


Hadaba ruux caafimaadka qaba waa ruux dareema nabad xag jir ahaan iyo xag Ruux agaanba.
Dhanka bulsho ahaaneedna waa ruux leh aragti macquula dadkana ula dhaqma si caadiya.

Sida ay aaminsanyihiin dadka badankood waxa ay tahay in Hantidu tahay iyo Qani nimadu tahay mid Aad u nuhiim ah, ruuxana ay u horseedi karaan wax walba,

Balse waxa ay san ogsoonayn in Caafimaadku yahay Waxa ugu qaalisan ay haystaan, Caafimaad la'aana aysan jirteen hantidiisu , 

Caafimaadku waa furaha guusha iyo camiridda hawlahaaga adduunyo.
Waxaa la dhahay caafimaadku waa hantida uu ku faano ruuxa Caqliga badan, maxaa yeelay waxa ay ka muhiimsan tahay wax walba oo uu haysto , waana ka marnaanta xanuunada jirka.

Caafimaadku waa qabsashada hawlahaaga adiga oo kamaarmaya ku tiirsanaanta dadka kale, waana waxa ay waajibka tahay in ruuxu ku dadaalo ilaalinshiyaheeda inta uga dhiman cimrigiisa.

Diinteena islaamku waxa ay nagu boorinaysaa ilaalinta nafteena , caafimaadkeena iyo ka ilaalinta in aan nafteena ku jihayno wadada halaaga, Allena subxanahu watacaalaa waxa uu kitaabkiisa ku leeyahay-
 Ø£Ø¹ÙˆØ° بالله من الشيطان الرجيم "Ùˆَلا تُÙ„ْÙ‚ُوا بِØ£َÙŠْدِيكُÙ…ْ Ø¥ِÙ„َÙ‰ التَّÙ‡ْÙ„ُÙƒَØ©ِ" [البقرة:195].

Sababtoo ah nefteena maalinta qiyaame ayaa nala weydiin doonaa 

Post a Comment

0 Comments