Ma garaneysaa gabadha aan ka maseyro? 🥺
🌼Gabadha si dhaba u qaadatay indha shareerka ee iga asturnaanta badan. 🌸
🌿🌸
Gabadha qur'aanka xifdisan ee suurad walboo maskaxdeeda kusoo dhacda kor ka aqrin karta.
🌸🌿
🌼Gabadha iiga hormartay safafka gabdhaha saalixaadka ah. 🌸
🌿🌸
🌼Gabadha markaan cunto u keeno igu dhahdo iga raali noqo maanta waa isniin oo waan soomanahay. 🌸
🌸🌿
🌼Gabadha xajka aaday ee soo xajisay.
🌿🌸
🌼Gabadha aan wiilasha la sheekeysan aanan la kaftamin ee ka dhowrsan xeriirada ragga iyo shukaansiga xaaraanta ah. 🌸
🌸🌿
🌼Gabadha ka taqaana diinta intaan ka aqaano in ka badan.
🌿🌸
🌼Gabadha gacan qabata gabdhaha ee dhanka rabbi u dhaweysa.
🌸🌿
🌼Gabadha iiga badan saacidaadda dadka iyo acmaasha wanaagsan. 🌸
🌿🌸
🌼Waan ka maseyraa dhamaantood waana u duceeyaa, waxaana ku dadaalaa sidi aan anna u noqon lahaa sidooda oo kale oon ula tartami lahaa. 🌸
Ilaahoow naga dhig kuwa dhanka kheyrka iyo jannadaada u tartama 🤲🤲🤲
#marwo
0 Comments